Muuqaallo - VOA

Muuqaallo - VOA


Latest Episodes

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Marinka Gaza - Nofembar 03, 2024
November 03, 2024

Ciidamada Israel ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ku hayaan Marinka Gaza Axaddan, oo ay ku dileen ugu yaraan 23 qof, sida ay sheegeen dhaqaatiirta Falastiiniyiinta.

Farriinta dadka Afrika ee madaxweynaha xiga ee Mareykanka - Oktoobar 31, 2024
October 31, 2024

Qaar ka mid ah dadka Africa ku nool ayaa fariin u soo diray madaxweynaha cusub ee soo socda ee Maraykanka, waa kuwan farrimahaasi qaarkood oo VOA ay ka soo ururuisay dalal ku yaalla Qaaradda Africa.

Doorashada iyo ardayda Mareykanka ee Afrika - Oktoobar 31, 2024
October 31, 2024

Ardayda Maraykanka ah ee ku nool Senegal ayaa si dhow isha ugu haya ololaha doroashada Maraykanka. Qaarkood ayaa sheegay in waayo-aragnimadooda Afrika ay qaabaynayso sida ay u arkaan dhacdooyinka Mareykanka.

Kuuriyada Waqooyi oo gantaal tijaabisay - Oktoobar 31, 2024
October 31, 2024

Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa Khamiista maanta ah sheegay inuu tijaabiyay mid ka mid ah gantaalladiisa ugu cusub, uguna xoogga badan si uu u kordhiyo hanaankiisa iska waabinta ee Nukliyeerka.

Ololaha doorashada Mareykanka oo xoogeystay - Oktoobar 31, 2024
October 31, 2024

Mushraxiinta xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Maraykanka Kamala Harris iyo Donald Trump ayaa ololhoodii u dambeeyey ka wada gobollada muhiimka ee inta badan is bedbedala ee loo yaqaano “Swing States”. Wararkii ugu danbeey

Shan qof oo maanta lagu dilay Israel - Oktoobar 31, 2024
October 31, 2024

Shan qof ayaa lagu dilay waqooyiga Israa'iil Khamiista maanta kadib markii madfac laga soo tuuray dhinaca dalka Lubnaan uu ku habsaday. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray afar shaqaale ajnabi ah, sida Israel ay sheegtay.

Xafiiska UNSOM oo wax laga beddelay - Oktoobar 31, 2024
October 31, 2024

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay ansixiyay ansixiyay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM) loo beddelo mid KMG ah labada sano ee soo socota. Maxamed colaad Xassan ayaa faah-faahinaya.

Fallanqeynta Shirka Golaha Wadatashiga - Oktoobar 31, 2024
October 31, 2024

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay go’aankii ay shalay magaalada Muqdisho ka soo saareen hoggaamiayaasha Golaha Wadatashiga Arrimahan waxaa nala fallanqeynaya Dr. Maxamud Maxamed Culusow, oo ah aqoonyahan, siyaasi degan Maryakan

Xasan Sheekh oo difaacay go’aankiisa - Oktoobar 31, 2024
October 31, 2024

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay go’aankii ay shalay magaalada Muqdisho ka soo saareen hoggaamiayaasha Golaha Wadatashiga, kuwaasi oo ku heshiiyay in doorashada qof iyo cod ah laga hirgeliyo Soomaaliya.

Abiy Ahmed oo ka hadlay arrinta badda - Oktoobar 31, 2024
October 31, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta baarlamaanka dalkisa u jeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda dalka Ethiopia, isaga oo soo hadal qaaday damaca Itoobiya ee badda.