Muuqaallo - VOA

Muuqaallo - VOA


Latest Episodes

Barakacayaasha dunida oo gaaray 75.9 milyan - May 15, 2024
May 15, 2024

Dagaallada iyo rabshadaha ayaa kordhiyay tirada barakacayaasha caalamka, oo haatan gaadhay 75.9 milyan oo qof. Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

Turkiga oo xiray dad lala xiriiriyey Gulen - May 14, 2024
May 14, 2024

Masuuliyiinta Turkiga ayaa Talaadada maanta ah sheegay inay xireen 544 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin wadaadka Fethullah Gulen, oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku eedeeyo inuu ka dambeeyay isku daygii afgambi ee 2016-kii.

Fallanqeynta shirka Golaha Wadatashiga - May 14, 2024
May 14, 2024

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay Muqdisho.Haddaba waxa laga filan karo shirka waxaan ka wareysanay Dr. Maxamuud Maxamed Culusow, oo horey usoo noqday musharax madaxweyne.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay - May 14, 2024
May 14, 2024

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Blinken oo booqday Kyiv - May 14, 2024
May 14, 2024

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku tegay Kyiv.

Turkey oo ku dhawaaqday qorshe saddex sano ah - May 14, 2024
May 14, 2024

Dowaldda Turkiga ayaa ku dhawaaqday qorshe saddex sano oo lagu yareynayo kharashka dowladda, si hoos loogu dhigo sicir barar gaaray ku dhawaad 70% intii u dhaxaysay bishii April ee sanadkii hore iyo April 2024.

Shacabka Nairobi oo ka cabanaya dhismayaal - May 14, 2024
May 14, 2024

Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadaha magaalada Nairobi ayaa aad uga careysan wax ay ku sheegeen in ay tahay dhismayaal dabaqyo oo ay tilmaameen in sharci-darro ah looga dhisay deegaankooda, gaar ahaan kuwa ay dhiseen shirkado Shiinees ah.

Wararka sayniska iyo teknoolojiyadda caalamka - May 14, 2024
May 14, 2024

Wararkii ugu dambeeyey ee sayniska iyo teknoolojiyadda caalamka waxaa nala socod siinaya Cabdixakiim Shirwac.

Dad ku dhintay guri ku dumay Koonfur Afrika - May 13, 2024
May 13, 2024

Waxaa kordhay tirada dad ku dhintay dhisme ku dumay gobolka Western Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Midowga Yurub oo hantidii Ruushka siinaya Ukraine - May 13, 2024
May 13, 2024

Midowga Yurub ayaa mabda ahaan isku raacay heshiis dhigaya in hantida laga xayiray Ruushka loo adeegsado hub loogu deeqayo Ukraine. Warbixintan waxaa soo diray Henry Ridgwell, waxaana soo jeedinaya Nuur Xasan Nuur.