Muuqaallo - VOA

Muuqaallo - VOA


Latest Episodes

Wejiga 3-aad ee dhismaha jidka Muqdisho iyo Balcad - May 30, 2024
May 30, 2024

Wajiga 3-aad ee dib u dhiska waddada laamiga ah ee isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa dib u bilaabantay, waxaana mashruuca dhismahan maal-galinaysa dowladda Qatar.Cabdulqaadir OK ayaa warbixintan soo diray.

Saameynta Haweenka ee Doorashada Mareykanka - May 30, 2024
May 30, 2024

Cod-bixiyayaasha haweenka ah ayaa ah in ka badan kala bar tirada cod-bixiyayaasha Maraykanka. Weriyaha VOA Scott Stearns ayaa warbixintan ka diyaariyay waxa ay sameynayaan musharaxiinta Joe Biden iyo Donald Trump si ay ugu guuleystaan codadka haweenka.

Dacwadda Trump oo geba-gebo ah - May 30, 2024
May 30, 2024

Xeer-beegti ayaa la filayaa in ay go'aan ka gaaraan dacwadda dambiyada loo haysto Donald Trump.

Tirinta codadka doorashadii Koonfur Afrika - May 30, 2024
May 30, 2024

Dalka Koonfur Afrika waxaa ka socda tirinta codadka doorashadii shalay dhacday, waxaana loo badinayaa in xisbiga ANC uu waayi ddoono aqlabiyadda baarlamaanka markii ugu horreysay.

Madaxda Carabta iyo Shiinaha oo ka shiray Gaza - May 30, 2024
May 30, 2024

Madaxda dalalka Carabta iyo Shiinaha oo shir uga socday Beijing ayaa ku baaqay in gargaar deg deg ah lala gaaro dadka ku nool Gaza.Warbixintan waxaa inoo haya Xusee Barre

Duqeymo kale oo ka dhacay Rafax - May 30, 2024
May 30, 2024

Ciidamada Israel ayaa ugu yaraan 12 Falastiiniyiin ah ku dilay duqeyn ka dhacday magaalada Rafax ee koonfurta Gaza Khamiista maanta, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Gaza.

Taarikhda Xisbiga Jamhuuriga - May 30, 2024
May 30, 2024

Maraykanka waxa uu leeyahay laba xisbi siyaasadeed oo waa weyn Xisbiga Dimoqraadiga iyo Xisbiga Jamhuuriga. Halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa taariikhda xisbiga Jamhuuriga.

Darawallada Soomaalida ee Minnesota - May 29, 2024
May 29, 2024

Darawallada Soomaalida ee taksiyada UBER iyo Lyft ayaa soo dhaweeyay sharciga kor u qaadaya lacagihii ay qaadan jireen, kaasi oo uu si rasmi ah dhaqan galkiisa u saxiixay guddoomiyaha Minnesota.

Denmark oo maxaabiis u direysa Kosovo - May 29, 2024
May 29, 2024

Dowladda Danmark ayaa la filayaa inay 300 oo maxbuus u dirto dalka Kosovo oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan Yurub.

Muhaajiriinta imanayey Mareykanka oo hoos u dhacay - May 29, 2024
May 29, 2024

Waxaa hoos u dhacay tirada muhaajiriinta ka soo gudbaya xadka Mareykanka iyo Mexico.