Muuqaallo - VOA
Latest Episodes
Kiiska $120,000 ee Minnesota - Juun 05, 2024
Hayaddaha amniga ee gobolka Minnesota ayaa xabsiga dhigay, isla markaana la wareegay taleefonnada gacanta ee dhammaan toddobo qof oo Soomaali ah iyagoo la baarayo cidda ka danbeysa in lacag laaluush oo $120,000 ah la geeyo guriga mid ka mid ah xeerbeegti
Wararkii ugu dambeeyey ee Gaza - Juun 05, 2024
Ciidamada Israel ayaa ballaariyey weerarka ay ku hayaan magaalada Gaza.
Biden oo soo saaray amar cusub - Juun 05, 2024
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Talaadadii saxiixay amar fulineed oo lagu xakamaynayo tirada muhaajiriinta magangelyo doonka ah ee ka soo gudbaya xuduudda u dhexeysa Maraykanka iyo Mexico.
Maqaayadda u doodda muhaajiriinta - Juun 05, 2024
Magaalada Washington waxaa jirta makhaayad u doodda dib u habaynta arrimaha muhaajiriinta imanaya dalka Maraykanka socdaalka, iyada oo la kobcinayo xiriirka bulshooyinka kala midabka duwan ee dalkan Maryakanka.
Musharaxiinta Mareykanka iyo Militariga - Juun 04, 2024
Musharrixiinta xilka madaxtinimo ee Maraykanak ee Joe Biden iyo Donald Trump ayaa labaduba sheegaya in loo baahan yahay military xoog badan oo uu Maraykanku yeesho.Warbixintan waxaa diyaariyey wariyaha VOA Scott Stearns, waxaana soo jeedinaya Maxamed Ca
Xamza oo ku sugan Koonfur Kuuriya - Juun 04, 2024
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku sugan dalka Koonfur Kuuriya oo uu uga qeyb-galayo shirka madaxda dalkaas iyo Afrika.
Dalka Nigeria oo koronto la’aan noqday shalay - Juun 04, 2024
Dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika oo ah dalka Nigeria ayaa Isniintii shalay koronto laaan ahaa, waxaana xiran garoomada diyaaradaha ee waaweyn.
Biden oo soo saaraya amar la xiriira qulqulka muhaajiriinta - Juun 04, 2024
Madaxweyne Joe Biden ayaa maanta oo Talaado ah saxiixaya wareegto amar-madaxweyne oo xadidayso tirada dadka magangalyo doonka ah ee ka soo gdubaya xuduudda Mexico.
Qatar oo jawaab ka sugeysa Israel - Juun 04, 2024
Qatar ayaa sheegtay inay jawaab ka sugeyso Israel oo ku saabsan qorshaha xabad-joojin ay soo bandhigtay dowladda Mareykanka
Fadeexadda Minnesota - Juun 04, 2024
Fadeexad ayaa hareysay kiiska 7 qof oo Soomaali ah oo lagu maxkamadeynayo Minnesota kadib markii mid ka mid ah xeer-beegtida ay sheegtay in loo keenay lacag $120,000 oo laaluush ah.