Muuqaallo - VOA

Muuqaallo - VOA


Latest Episodes

Soomaali kale oo lagu maxkamadeynayo Minnesota - Juun 20, 2024
June 20, 2024

Gobolka Minnesota ee ay Soomaalida ugu badan Mareykanka ku nooshahay ayaa shan qof oo Soomaali ah lagu soo oogay dacwado la xiriira inay musuq-maasuqeen lacag uu gobolka ku bixiyo barnaamijka caafimaadka ee Medicaid.

Kuleyl darran oo ka jira Sacuudiga - Juun 20, 2024
June 20, 2024

Kuleyl darran oo dhimasho horseeday intii uu Xajka socday ayaa weli ka jira dalka Sacuudiga. Weriyaha VOA Cabdulqaadir Zubeyr oo ku sugan Jeddah ayaan ka wareysanay.

Markab ay weerareen Xuutiyiinta oo quusay - Juun 20, 2024
June 20, 2024

Markab ganacsi ayaa loo malaynayaa inuu ku quusay Badda Cas, ka dib weerar daran oo ka yimid dhinaca kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Soomaaliya oo dooneysa in la tartiibiyo bixitaanka ATMIS - Juun 20, 2024
June 20, 2024

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in la tartiibiyo qorshaha ay Soomaaliya uga baxayaan ciidamada nabad ilaalinta ee Afrikaanka ah ee ATMIS ee Soomaaliya ka howlgala.

Tirada dadka ku dhintay xajka oo kor u dhaaftay 1,000 qof - Juun 20, 2024
June 20, 2024

Tirada dadka ku dhintay xajka sanadkan ayaa kor u dhaaftay 1,000 qof, sida ay wakaaladda wararka ee AFP sheegtay Khamiista maanta ah.

Ciidamada Israa'iil oo duqeymo culus ka geystay Gaza - Juun 20, 2024
June 20, 2024

Ciidamada Israa'iil ayaa xalay duqeymo culus ka geystay deegaanno ku yaalla bartamaha marinka Gaza, halkaasi oo ay ku dileen saddex qof, ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale, sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

Joe Biden oo sharci siinaya nus milyan qof - Juun 19, 2024
June 19, 2024

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in maamulkiisu uu ilaalin doono qaar ka mid ah dadka soo galootiga ah ee aan sharciga lahayn kuwaasi oo qaba ama ay isguursadeen muwaadiniin Mareykan ah.

Putin iyo Kim Jong Un oo heshiis kala saxiixday - Juun 19, 2024
June 19, 2024

Madaxweynaha Ruush-ka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa kala saxeexday iskaashi cusub oo ay ku jirto inay is-garabsadaan hadii midkood la soo weeraro.

Ruto oo ka laabtay qorshihii canshuur kordhinta - Juun 19, 2024
June 19, 2024

Dowladda Kenya ayaa ka noqotay qorshe ay ku soo rogi lahayd canshuuro badan, iyadoo sheegtay inay wax ka baddaleyso sharciga canshuuraha oo caro xoogan dhaliyey.

Wareysiga Ifraax Axmed - Juun 19, 2024
June 19, 2024

Dadka u ololeeya xuquuqda Aadanaha iyo haweenka ayaa ku baaqaya in la meel mariyo sharciga ka hortaga tacadiyada iyo kufisga lagula kaco gabdhaha iyo haweenka Soomaaliya. Cabdulqaadir Cabdulle, ayaa tacadiyada loo geysto hawenka ka wareystay Ifraax Axmed