Muuqaallo - VOA

Muuqaallo - VOA


Latest Episodes

Turkiga oo doonayo inuu ku biiro ururka BRICS - Luuliyo 15, 2024
July 15, 2024

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka, Recep Tayyip Erdogan iyo Vladimir Putin oo dhawaan ku kulmay waddanka Kazakhstan intii uu socday Shirweynihi Iskaashiga Shanghai, ayay u badantahay in ay ka wada hadleen, dalabka Turkiga ee ku biirista kooxda ganacsig

Xuutiyiinta oo mar kale weerar ku qaaday Markab - Luuliyo 15, 2024
July 15, 2024

Weerar looga shakisan yahay in ay gaysteen fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta lala beegsaday markab marayay Badda Cas, xilli markab hor leh oo diyaaradaha dagaalka xambaara oo Mareykanku leeyahay uu ku wajahan yahay gobolka.

Pakistan oo mamnuuceysa xisbiga Imran Khan - Luuliyo 15, 2024
July 15, 2024

Dowladda Pakistan ayaa isku dayi doonta inay mamnuucdo xisbiga siyaasadeed ee ra'iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan ee xabsiga ku jiro, wasiirka warfaafinta ayaa sidaas sheegay Isniintan, maalmo kadib go'aanno xiriir ah oo maxkamadeed oo u xaglin

Soomaaliya oo shir uga qeyb-galeysa Canada - Luuliyo 15, 2024
July 15, 2024

Mas’uuliyiin ka socday Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir lagu soo gabagabeeyay magaalada Toronto ee dalka Canada oo looga hadlayay saameynta uu COVID-19 ku reebay dunida iyo sida laga yeeli lahaa haddii uu markale kusoo laabto caalamka.

Shiinaha iyo Ruushka oo sameynaya dhoola-tus - Luuliyo 15, 2024
July 15, 2024

Shiinaha iyo Ruushka ayaa bilaabay dhoolatus ciidan oo ay si wadajir ah u sameynayaan, maalmo kadib markii xulafada NATO ay ku tilmaameen Beijing mid awood u leh dagaalka Ukraine.

Doorasho madaxweyne oo ka dhaceysa Rwanda - Luuliyo 15, 2024
July 15, 2024

Dadka reer Rwanda ayaa maanta oo Isniin ah u codeynaya doorasho madaxtinimo oo la filayo in lagu kordhiyo muddada dheer ee madaxweyne Paul Kagame, oo xukunka hayay tan iyo 1994-kii.

Kenya: Nin loo qabtay dilka dumar badan - Luuliyo 15, 2024
July 15, 2024

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay qabteen nin looga shakisanaa in uu ka dambeeyay ilaa 9 meyd oo haween ah oo ciidamadu ay kasoo heleen meel qashin-qub ah. Warbixin arrintan ku saabsan waxaa Nairobi kasoo dirtay Intisaar Saalax Xuseen

Booliska Kenya ‘oo helay’ meydka sideed haween ah - Luuliyo 14, 2024
July 14, 2024

Ciidamada booliska Kenya ayaa maanta sheegay in maydka sideed haween ah laga helay meel qashinka lagu qubo oo ku taala meel isku raran ah oo ku taala magaalada Nairobi, iyagoo intaasi sii raaciyay inay ku daba jiraan cidda lala xidhiidhinayo falkan.

Taariikhda dilalka iyo isku dayadii dil ee madaxda Mareykanka - Luuliyo 14, 2024
July 14, 2024

Ka hor isku daygii dil ee Sabtidii lala beegsaday Donald Trump waxaa jirtay in taariikhda Maraykanka horey loo khaarajiyey afar madaxweyne, halka siyaasiyiin kale oo ay ku jiraan musharrixiin madaxweyne-na la bartilmaameedsaday. Warbixin ay qortay AP wax

Fallanqeyn ku saabsan isku daygii dil ee Donald Trump - Luuliyo 14, 2024
July 14, 2024

Waxaa xalay la isku dayey in la dilo madexweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo haatan ah musharaxa ay Xisbiga Jumhuuriga ee doorasahada Madexweynaha Mareykanka ee 3-da November 2024. Haddaba waxaan arrintan wax ka weydiinay madaxa laanta af-Soomaa