Muuqaallo - VOA
Latest Episodes
Zimbabwe oo gowraceysa maroodiyaal - Sebtembar 17, 2024
Zimbabwe ayaa qorsheyneysa inay gowracdo 200 oo maroodi, si loogu quudiyo bulsho ay soo wajahday abaar darran.
Cabsi soo wajahday muhaajiriinta Springfield, Ohio - Sebtembar 17, 2024
Magaallada Springfield ee gobolka Ohio ayaa la joojiyay bandhig dhaqan, kaddib markii Donald Trump iyo ku-xigeenkiisa ay ku eedeeyeen muhaajiriinta Haiti ka timid ee halkaasi dagan inay cuneen eyda iyo bisadaha halkaasi ku nool.
Xaaladda caasimadda Mali oo kacsa - Sebtembar 17, 2024
Xaaladda caasimadda Mali ee Bamako ayaa kacsan kaddib markii koox hubeysan ay weerartay iskuul booliska militariga lagu tababaro. Kooxda Jamaacatul Islaamiga ee ku xiran al-Qaacida oo sheegatay weerarkaas.
Wararka Sayniska iyo Teknoolojiyadda - Sebtembar 16, 2024
Wararkii ugu dambeeyey ee Sayniska iyo Teknoolojiyadda caalamka waxaa nala socodsiinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.
Jarmalka oo adkeeyey amniga xuduudadhiisa - Sebtembar 16, 2024
Dowladda Jarmalka ayaa Isniinta maanta ah ballaarisay kontoroolka xudduudaha ay la leedahay dhamaan sagaalka dal ee deriska la ah, ayada oo rajo ka qabta in ay xakameyso qul-qulka muhaajiriinta, taasi oo ay ka caroodeen dalalka kale ee xubnaha ka ah Midow
Wafdi ka socda IGAD oo yimid Muqdisho - Sebtembar 16, 2024
Xoghayaha guud ee urur gboleedka IGAD iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu wadahadallo ku leeyahay madaxda Somaaliya, xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda ka dhex-taagan Soomaaliya iyo Ethiopia.
Turkiga oo ballaarinaya ciidamadiisa badda - Sebtembar 13, 2024
Dowladda Turkiga ayaa wada balaarin uu ku samaynayso ciidamadeeda badda si ay uga dhigaan mid ka mid ah quwadaha badda ee ugu waaweyn qaarada Yurub. Dorian Jones ayaa warbixintan ka soo diray Istanbul, Falastiin Axmed Iimaan ayaa soo jeedinaya.
Mareykanka oo ka hadlay xiisada Somalia iyo Itoobiya - Sebtembar 12, 2024
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in aan la aqbali doonin in in xiisadda ka dhex taagan dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya ay dagaal gacan ka hadal ah isku baddasho.Safiirka Maryakanka ee Soomaaliya Richard Ridley ayaa wareysi gaar ah siiyay Cabdulqaadir O
Afrika iyo xubin joogto ah Golaha Ammaanka - Sebtembar 12, 2024
Dowladda Mareykanka ayaa taageereysa qorshe laba kursi oo joogta ah looga siinayo Africa 15 xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
PSF oo amar ku soo rogtay garoonka Boosaaso - Sebtembar 11, 2024
Ciidanka amniga magaalada Bossaso ee loo yaqaan PSF ayaa ku amray in la joojiyo shaqadii garoonka diyaaradaha, iyo in dadka deggen agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso inay isaga fogaadaan. Yuusuf Maxamuud ayaa warbixintan kooban ka so d