Muuqaallo - VOA

Muuqaallo - VOA


Latest Episodes

Xildhibaan deegaan oo lagu la'yahay Wajeer - Sebtembar 19, 2024
September 19, 2024

Xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka Wajeer ee dalka Kenya ayaa la la'yahay muddo saddex maalmood ah, ayada oo la sheegayo in laga afduubtay magaalada Nairobi.

Wareysiga taliyaha AFRICOM uu siiyey VOA - Sebtembar 19, 2024
September 19, 2024

Taliyaha Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika General Michael Langley ayaa sheegay inu ku kalsoon yahay in Soomaalyia ay maamuli doonto amnigeeda kadib marka ay cidamada ATMIS baxaan dhammaadka sanadkan.

Soomaaliya oo ku biirtay hay’adda IAEA - Sebtembar 19, 2024
September 19, 2024

Magaalada Viena xarunta dalka Austria waxaa toddobaadkan ka qabsoomay kullankii 68-aad ee shirweynaha Hayadda Atoomikada Adduunka ee IAEA, ayada oo si rasmi ah ay Soomaaliya ugu biirtay hayadda.

Habka cusub wada-hadallada Somalia iyo Itoobiya - Sebtembar 19, 2024
September 19, 2024

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay qaab cusub oo ay u wajaheyso wada-hadallada ay ku dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada oo la filayay inay dhacaan 17-kii bishan.

Soo-galootiga Canada oo sharci loo raadinayo - Sebtembar 18, 2024
September 18, 2024

Dibad baxyo lagu dalbanayo sidii dadka soo-galootiga ah ee ku nool Canada sharci loo siin lahaa ayaa ka dhacay magaalooyinka qaar ee dalka CANADA.

Britain oo loogu baaqay in aysan ku daya Talyaaniga - Sebtembar 18, 2024
September 18, 2024

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku boorinaya Britain in aysan min guurin habka uu Talyaanigu isku dayayo in lagu dhimo tirada muhaajiriinta ee imaanaya xeebaheeda.Henry Ridgell ayaa warbixintan ka soo diray London, Caasha Cuud ayaa soo jeedinaysa.

QM oo eegeysa hindise sharciyeed ka dhan ah Israel - Sebtembar 18, 2024
September 18, 2024

Golaha loo dhan yahay ee QM ayaa eegaya hindise sharciyeed ay soo gudbisay Falastiin Talaadadii shalay, kaas oo Israel ka dalbaya in muddo sanad ah ay ku soo afjarto joogisteeda sharci-darrada ah ee Gaza iyo Daanta Galbeed.

Xizbullah oo wacad ku martay inay ka aargudato Israel - Sebtembar 18, 2024
September 18, 2024

Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa Arbacada maanta ah wacad ku maray inuu ka aargoosan doono Israa'iil, kadib markii boqolaal qalabka fariimaha ee Pager-ka loo yaqaano oo ururka Xisbullaah iyo dadka reer Lubnaan ay adeegsadaan la qarxiyey, ayna ka dha

Sweden oo lacag siineysa muhaajiriinta si ay uga baxaan - Sebtembar 17, 2024
September 17, 2024

Dowladda Sweden ayaa ku dhawaaqday dhawaan inay siinaysoUS$ 34,000 dadka soo-galootiga ah si ay ugu laabtaan wadankii hooyo.

Zimbabwe oo gowraceysa maroodiyaal - Sebtembar 17, 2024
September 17, 2024

Zimbabwe ayaa qorsheyneysa inay gowracdo 200 oo maroodi, si loogu quudiyo bulsho ay soo wajahday abaar darran.