Muuqaallo - VOA

Muuqaallo - VOA


Latest Episodes

Saameynta Muslimiinta Mareykanka ee doorashada - Sebtembar 24, 2024
September 24, 2024

Muslimiinta Maraykanku waa wax ka yar 2% tirada dadka ee dalkan. Hase yeeshee, sida uu wariyaha VOA-da Kane Farabaugh ku soo warramayo, raadka ay ku leeyihiin doorashada aad buu u soo kordhayaa.Maxamed Cabdi Sandheere ayaa soo jeedinaya.

Wararkii ugu dambeeyey shirka golaha guud ee QM - Sebtembar 24, 2024
September 24, 2024

Magaalada New York waxaa ka furmay shirka Gollaha guud ee QM, halkaasi oo ay ka qeybgalayaan madax badan oo ka socota caalamka. Sahra Cabdi Axmed, ayaa ku sugan xarunta QM ayaan ka wareysanay.

Deni oo sheegay inuu diyaar u yahay wada-hadal - Sebtembar 24, 2024
September 24, 2024

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xalliyo khilaafka taagan. Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixnitan ka soo diray Garoowe.

Itoobiya oo ka digtay hubka Masar gaysay Soomaaliya - Sebtembar 24, 2024
September 24, 2024

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka digay in hubka la geeyey Soomaaliya uu kasii dari karo colaadda, loona weecin karo argagixisada, sida ay maanta ku warrantay wakaaladda wararka ee Itoobiya.

Masar oo hub ka dejisay dekadda Muqdisho - Sebtembar 23, 2024
September 23, 2024

Markab ay Masar leedahay ayaa xirmaddii labaad oo hub ah geeyey Soomaaliya Axaddii. Haddaba waxa ay arrintan ka dhigan tahay iyo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxaan ka wareysanay Cabdisalaam Guleed oo ah khabiir dhanka amniga iyo la-dagaalanka argagix

Wararka Sayniska iyo Teknoolojiyadda Caalamka - Sebtembar 23, 2024
September 23, 2024

Wararkii ugu dambeeyey ee Sayniska iyo Teknoolojiyadda Caalamka waxaa soo jeedinaya Cabdixakiim Shirwac.

Madaxweynaha Kenya Ruto oo tegay dalka Haiti - Sebtembar 22, 2024
September 22, 2024

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa tegay dalka Haiti, halkaasi oo ay joogaan ciidamo ka socda dalkiisa.

Koox dhallinyaro oo caqabad ku noqday Erdogan - Sebtembar 22, 2024
September 22, 2024

Koox dhallinyaro Turkish ah oo loo yaqaan Kun-ka Dhallinyarada ee Falastiin ayaa caqabad xoog adag ku haya madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyagoo isticmaalaya baraha bulshada si ay u soo bandhigaan ganacsiga wali uu Turkiga la leeyahay Israel.

Doorasho muhiim ah oo ka dhaceysa Jarmalka - Sebtembar 22, 2024
September 22, 2024

Xisbiga midigta fog ee Jarmalka ee AfD ayaa rajeynaya inuu maanta ku guulaysto doorasho adag oo ay kula jiraan xisbiga hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, taasi oo ka dhacaysa gobolka Brandenburg. Weriyaha VOA ee London Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaan

Ciidamada Israel oo galay xafiiska Al-Jazeera - Sebtembar 22, 2024
September 22, 2024

Ciidamada Israel ayaa xoog ku galay islamarkaana albaabada isugu dhuftay xafiiska Taleefishinka Al-Jazeera ee magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed.